Shuruurdo adag iyo lacag aad u badan oo lagu xiray musharaxiinta labada Aqal

18

Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey shuruudaha laga rabo musharaxiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo saaray shuruudaha laga rabo ergooyinka soo dooraneysa xildhibaanadaasi, kuwaasi oo ka kooban siddeed shuruud.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada aqal ayaa waxa kamid ah in xildhibaanada Aqalka Sare laga rabo lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun.

Hoos ka akhriso shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka:

In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
Dhimirkiisu u dhan yahay
Da’diisu ka yarayn 25 sano
Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
Musharax kasta oo u tartamaya golaha shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.
Sidoo kale hoos ka aqriso shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed:

1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

2 – In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

3 – In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

4 – In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

5 – In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

6 – In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.

7 – In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

8 – In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada