Wariye Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday Mareykanka

6

Allaha U Naxariistee waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday saxafigii weynaa ee Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa weriyayaasha ruug caddaaga ahaa ee muddada dheer ka howl-galayay saxaafadda Soomaaliyeed.

Geeridiisa ayaa timid kadib markii muddo bil ku siman uu ku xanuunsanaa Saint Paul, Minnesota,  Waxaana geeridiisa warbaahinta u xaqiijiyay xubno kamid ah qoyskiisa .

Cabdikhaadir Maxamed Mursal wuxuu ahaa xeel-dheere , muddo fog kamid ahaa tiirarka ay ku taagantahay saxaafadda Soomaaliyeed, wuxuu ahaa qoraa iyo qalin maal, si weyn u sameyn jiray sheekooyinka taxanaha ah, ee ka bixi jiray warbaahinta dalka, gaar ahaan Radio Muqdisho.

Waxa uu soo noqday madaxii Barnaamijyada iyo agaasimaha raadiyow Muqdisho, waxa uu inta warbaahinta qaranka uu ka shaqeynayay uu soo gacan qabtay fannaaniin badan uu kamid yahay hobolka Cabdkhaadir Maxamed Yuusuf Jubba.

Waxaa uu ahaa sidoo kale, dadka ku wanaagsan sameynta sawir gacameedyada, waxaa sawirrada uu sameeyo lagusoo bandhigi jiray Wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee kasoo bixi jiray Soomaaliya xilligii kacaanka, sawirradaas waxaa sidoo kale wargeyska kusoo bandhigi jiray Cabdi Gaab iyo Amiin Caamir.