Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Muqdisho

16

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu ahaa Haweeney isku so xirtay waxyaabaha qarxa, isla markaana isku qarxisay  Ciidamo ka tirsan NISA qeybta loo yaqaano ilaalada shacabka, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow Isgoyska Black Sea ee degmada Howl-Wadaag.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay xaqiijiyeen dhimashada qaraxaasi laba Ruux oo kala ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo magaciisa lagu soo koobay Caana-Geel iyo haweeneyda is qarxisay iyo dhaawacyada ilaa Sddex Ruux, kuwaas oo loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Ciidamo Boolis ah ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo muddo saacad ka badan hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe ay dib u fureen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya, isla markaana dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada iyo laba kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ee loo adeegsado qof isku soo xiray Jaakad qarax ah ayaa kusoo batay Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay gebi ahaan dhagxaan waawyen ay ku jirtay wadooyinka jidcadayaasha ah oo ay Gaadiidka mari jireen.