Guddoomiye Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddi doorasho

6

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu magacaabay Guddi Doorasho, kaasi oo ah kan doorashada xubnaha Xildhibaanada ah ee Goballada waqooyi ka soo gelaya DFS.

Xildhibaanadan ayaa waxaa lagu dooran doonaa Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddiga uu magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban 7 Xubnood, kuwaas la soconaya sida ay u dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.