Wafdi ka socda AMISOM oo gaaray Dhuusamareeb kulana la yeeshay taliska 21-aad

7

Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Korneyl Cabdiraxmaan Riyaale Xareed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa isla maanta kulan looga hadlayay amniga magaalada Dhuusamareeb kula qaatay saraakiisha taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Sarakiisha ka tirsan militeriga Soomaaliya ee kulankaas looga hadlayey arrimnaha ammaanka uu la yeeshay taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha qeybta 21-aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullahi Qooje.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii wadajir loogu qaadi  howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, oo maamula qeybo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug.