Wasiir Beyle oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

8

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Wasiir Beyle iyo Ambassador James ayaa kawadahadlay dib u habeynta iyo Hormurka Maaliyadda dalka iyadoo la adeegsanayo Hanaanka SMP4.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Xafiiska UN ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed”