Lafta Gareen oo war ka soo saaray soo xulidda xubnaha BF ee deegaanada KGS

2

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay si cadaalad uga dhici doonto doorashada soo socota ee Labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhibaatooyinka laga soo maray dowladnimada sidaas darteedna ay muhiim tahay in la ilaaliyo jiritaanka dowladanimada Soomaaliya.

Lafta Gareen ayaa kiisa ku daray  in Kuraasa qaarkood dadka ku fadhiya looga xaq leeyahay isagoona xusay in dadkii horay u ahaa xilibaannada ee geeriyooday ehelkooda lagu tixgilyo.

Madaxweynha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaallada muqdisho, taas oo ay inta badan ka soo qayb galeen xildhibaannada ku jira Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed.