Taliska ciidanka xoogga dalka oo war ka soo saaray xubno Shabaab looga dilay Sh/Hoose

22

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay maanta ka fuliyeen degaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, waxay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey howlgalkaas ayaa sheegay in ciidamada Danab ay deegaanka Leego ku dileen todoba dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha la dilay ayuu sheegay taliyuhu inay dadka reer miyiga ah ee deegaanadaas ku nool ay ka qaadi jireen lago uu ku timaamay kuwo baad ah.