Qodobadii looga hadlay kulan dhex-maray R/wasaare Rooble iyo safiirada caalamka

6

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla xukuumaddiisa.

Sidoo kale safiirrada ayaa bogaadiyey arrimaha uu balan-qaadyadiisii ku sheegay in uu mudnaanta siinayo Ra’iisul Wasaaraha Rooble, sida amniga, doorashooyinka iyo dib u habeynta hannaanka maaliyadda dalka