HALKAN KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA SAMAWADE EE RADIO MARKABLEY

15

Kulanto wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka sama wade ee radio markabley

Barnaamijka sama wade ee Mowduuca 2aad caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

Labaatan sano ayaa kasoo wareegtay markii la aad-aasay kooxda argagixisada ah ee shabaab, xilligaas oo ay jireen dhibaatooyin waawayn kuwaas oo horjoogayaashu uga faaiidaysteen in ay qortaan dhalinyaro badan balse muddo ka dib waxaa soo baxay wajigooda rasmiga ah oo ku dhisan u adeegista ajaanibta taas oo ka horjeeda hadafkii wadaniga ahaa ee ay u sheegeen dhalinyarada maadaama hadda lagu fuliyo kooxda dano sheesheeye, bal aan isbarbar dhigo hadafkii kooxdu ku aasaasantay iyo halka ay maanta joogto.

Barnaamiujka sama wade caawo waxaa marti ku ah ,

COL: aadan axmed rufle oo ah falanqeeya dhanka amniga iyo argagaxisada. Oo barnaamijka qadka telefonka uga qayb galayo.

Buraale ibraahin xaahi oo ah xog –hayaha dawlada hoose ee degmada baardheere oo marti ku ah istudiyaha radio markabley baardheere.

Barnaamijka waxaad si toos ah ugala socotaan radio markabley FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535, sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so
Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)
barnaamijka sama wade caawa waxaa s
oo saaray khaddar maxamed siraad
waa mar kale iyo barnaamijkii sama wade ee radio markabley

FALCELINTA BARNAAMIJKA SAMAWADE EE DHAGEYSTAYAASHA BAARDHEERE

Waan idin salaamay radio markabley magacayga waa maxamed yare axmed oo degan xaafadda iftiin ee degmada baardheere anuga waxaan aaminsanahay awalba alshabaab waxaa loo sameeyay xasuuqa shacabka soomaaliyeed,
Faadumo ibraahin jaamac oo joogto xaafada kaskey runtii waa mawduuc loo baahnaa waadna ku mahadsantihiin dhalinyarada hada way fahmeen falalka arxan darada ah ee alshabaab dadka soomaaliyeed ay u geesteen.
Bahda markabley waad ku mahadsantihiin wacyigelinta dadka soomaaliyeed magacayga waa c/laahi c/risaaq faarax oo joogo degmada baardheere alshabaab waqtigooda wuu dhamaaday ha la israaciyo insha alaah..
Magacayga waa canab xuseen guuleed oo joogta tuulada mardhaa runtii waa wax fiican dadka soomaaliyeed in ay fahmaan dhagarta alshabaab waxaan soo marnay xilii aan alshabaab wax laga sheegi Karin hadana waa tan maduucyada xumaantooda idaacadaha faafinayaan ilaah ayaa ku mahadsan.
Khadro dhubad axmed oo joogta degmada baardheere gaar ahaan xaafada masawa, waad ku mahadsantihiin radio markabley wacyigelinta wax yar ayaa u haray alshabaab ha la is raaciyo.
Asalaamu calaykum radio markabley magacayga waa xuseen cabdiyo oo joogo xaafada kurmaan aniga waxaan leeyahay sharta alshabaab dadka ilaahay ha ka qabto.
Magacayga waa shariifo buule cabdi oo joogta xaafada qalaaliyo ee degmada baardheere waa dhab in hadafkii alshabaab awal ay sheeganayeen in ay ka leexdeen lakin waxaan leeyahay awal dagaal xoog leh ayaa ku socday balse maalmahan waa laga gaabiyay.

Diyaariye.Yaxye C.risaaq Soofe
Radio Markabley Baardheere