R/Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Hirshabelle oo kulan ku yeeshay Muqdisho

18

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa xalay waxaa kulan la qaatay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

“Waxaan salaan iyo Hambalyo ugu tagay Reysul wasaaraha cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u rajeynayaa inuu alle lagarab galo masuliyada culus oo bulshada u qabtay, sidoo kale waxaan kawada hadalnay marxalada siyaasadeed ee dalka Gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayuu yiri” Guddoomiye Cusmaan Barre.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa uu diirada lagu soo saaray qorshaha lagu soo dhisayo xukuumadda cusub iyo arimo badan.

R/Wasaare Rooble ayaa mudooyinkii dambe kulamo ka wado magaalada caasimada ee Muqdisho