Maamulka Degmada Afgooye Oo Soo Bandhigay Ninkii Kufsiga Geystay

12

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay fal kufsi ah oo laba dumar oo mid waayeel ay tahay gelinkii dambe ee shalay loogu geystay Xaafad ka tirsan degmadaas.

Guddoomiyaha Afgooye Ibraahim Cumar Kaasim oo la hadlay ayaa Dalsan u sheegay in fal aad u xun loo geystay laba dumar oo mid da’deedu tahay 90-sanno jir oo kamid ah dadka deegaanka, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Ibraahim Cumar in Ninkii falkaas geystay oo ahaa mid miirkiisa taam ahaa markii horey uu baxsaday, hayeeshee howgalo kala duwan oo sameeyeen Ciidanka amniga degmada ay markii dambe kusoo qabteen ninkaas, isla markaana Maanta kusoo bandhigay Saldhiga Booliska.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa Carabka ku dhuftay in ninkaas la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayna  amartay in loo wareejiyo dhinaca Muqdisho, si baaritaano kale loogu sameeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ibraahim Cumar ayaa u mahadceliyay Ciidanka amniga degmada ee gacanta ku dhigay ninkii kufsiga  geystay, wuxuuna u digay dadka kale ee doonaya inay gudaha degmadaas ay falal amni darro ka sameeyaan.

Falkaan ka dhacay Afgooye ayaa waxaa uu soo aadayaa, iyadoo horaantii bishaan September fal isugu jiray kufsi iyo dil Muqdisho loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, kadibna laga soo tuuray, waxaana dhacadaas loo qabtay 12 ruux.