Dad Careysan Oo Maanta Banaanbax Ballaaran Ka Dhigay Caabudwaaq

37

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay Banaanbax xoogan oo looga soo horjeeday dhibaatada Ciidanka dowladda Kenya ay ka geysteen Gobolka Gedo.

Boqolaal dad ah oo isugu jiray Caruur, Odayaal, Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Caabudwaaq, iyagoona sheegay in aad xun yihiin dhibaatada dadkii shacabka ahaa dhawaan loogu geystay deegaan Yaaddo ee duleedka Ceel-waaq.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay ka Jawaab Cad ka bixiso dadkii shacabka ahaa ee la dilay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo ka dhacayay dibax-baxyo waaweyn oo looga horjeeday tacadiyada ay Ciidanka Kenya ka wadaan Gobolkaas, kadib markii dad hor leh ay halkaas qaab afduub ahaan uga wateen.