C/Rashiid Janan oo si kulul uga hadlay dadkii ay ciidamada Kenya ku dileen Gedo

17

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ka hadlay dhacdooyinkii dadka lagu dilay kuwo kalena lagu afduubtay ee ka dhacay deegaanada ku xeeran degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo ay geysteen ciidamada Kenya.

Cabdirashiid Janan ayaa BBC-da u sheegay in maamulka degmada Ceelwaaq ay ku soo war-geliyeen in dad shacab ah dhibaato loogu geystay deegaanka Yaaddo oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wuxuu intaasi ku daray inay tegi doonaan Ceelwaaq, isaga iyo guddi uu guddoomiye u yahay oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.