Wararkii ugu dambeeyey xiisadda gobolka Gedo

15

15 deegaan oo ku yaalla xudduuda Soomaaliya ee dhinaca Kenya ayaa is-gaarsiinta ay ka maqan tahay muddo, waxaana go’an xiriirka dadka dhexdiisa ah iyo lacagaha la isugu diro EVC Plus.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay jareen Isgaarsiinta xuduudda kadib howlgalo ay ka fuliyeen deegaanadaasi.

Sidoo kale, afar qof oo ciidamada Kenya ee la dagaalanka argagixisada ay toddobaadkan kala baxeen guryahooda oo ku yaalla tuulo hoostimaado Ceelwaaq, ayaa shaley midkood la helay isaga oo meyd ah.

Shacabka gobolka Gedo ayaa shaley dhigay banaanbax looga soo horjeedo falalka ciidamada Kenya, kuwaasi oo ka dhacay degmooyinka Baardheer, Baladxaawo, Buurdhuubo iyo Ceelwaaq.

Waxaa sidoo kale is-rasaaseen ay dhex martey ciidmaada Kenya ee Ilaalada xuduudda Mandheera iyo kuwa Soomaalida, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Haddaba, wararkii ugu dambeeyey ee ka taagan xuduudda ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ka wareystay Wariye Ahmed Cumar Saalixi oo ah Agaasimaha Warbaahinta Markableey ee magaalada Baardheer.