Shaqada garoonka Aadan Cadde oo dib u bilaabatay iyo masuul ka hadlay hakadkii ku yimid

1

Duullimaadka gudaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay mudo kooban hakad galay, kadib markii shirkadaha duullimaadyada ay diideen inay wax duullimaad ah sameeyaan.

Illo xog ogaal ah ayaa KNN u sheegay in guddi ay ku mideysanyihiin shirkadaha diyaaradaha qaarkood ay cabasho ka muujiyeen in diyaaradaha qaar loo diiday inay tagaan degmada Doolow ee gobolka Gedo. Taas oo maanta sababtay in shirkadihii kale ay joojiyaan duullimaadyadii ay ku aadi jireen gobollada kale ee dalka.

Kulan ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cadde oo ay isugu yimaadeen maamulka garoonka iyo madaxda shirkadaha diyaaradaha ayaa go’aan looga gaaray in dib loo bilaabo duullimaadka gudaha dalka, isla markaana arrintii doodan dhalisay dib looga wada-hadlo.

Mareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan ayaa BBC-da u sheegay in sababta maanta hakadka ku keentay shaqada garoonka ay tahay cillad farsamo oo muddo hal saac ah ku timid shaqada, taas oo sida uu sheegay deg-deg loo xaliyay.

Axmed Macallin Xasan waxa uu beeniyay inay jiraan diyaarado loo diiday tegitaanka degmada Doolow, balse ay jiraan garoomada qaar oo dayactir lagu sameynayo.