SAWIRO. Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka oo xilka la wareegay

32

Munaabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa siihayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu kamid yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey iyo Xubnaha siihayeyaasha Golaha Wasiirada iyo qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka ka jooga Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraah Cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dukumiintiyo kala wareegay Mahdi Guuleed oo muddo 50 Cisho ah xilka sii hayay, kadib markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay codka kalsoonida kala laabteen Xasan Cali Kheyre.

Xil wareejinta Maanta ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saartay dalabkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub, kaas oo ahaa in uu diyaar u yahay in uu xilka ku wareejiyo.