Goob fagaaro ah oo lagu gubay Raashin Iyo Daawooyin dhacay

32

Maamulka Dowladaha Hoose Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta meel Fagaaro ah ku gubey Raashiin iyo Dawooyin Maamulka uu sheegay inay ahaayeen kuwo dhacay.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada baydabo ayaa la sheegay inay ksuoo qabteen Raashinka iyo dawooyinka dhacay, kuwaas oo lagu iibinayay Suuqyada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha degmada baydhabo Xasan Macalin Axmed biikole ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in Guaha Magaalada Baydhabo lagu dhex iibiyo waxyaabo dhacay, isla markaana qofkii lagu qabto ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Magaalada baydhabo inay joojiyaan ka Ganacsiga waxyaabaha dhacay oo dhibaato u keeni kara Bulshada, ka maamul ahaana ay gui doonaan hadii ay arkaan.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cali wardheere dooyow ayaa dhankiisa sheegay in ay si wadi doonaan howlgallada lagu baarayo dadka ka Ganacsanaya waxyaabaha dhacay si Bulshada magaalada loo badbaadiyo.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa horay waxaa ay meel fagaaro ah ugu gubeen Raashin noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid dhacay oo lagu iibinayay Gudaha Magaalada.