Dibadbax looga soo horjeedo Dilal iyo Afdub ciidamada Kenya ay ka geysteen Ceelwaaq oo ka dhacay magaalada Baardheere

41

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo Falal isugu jira dilal iyo Afduub oo seddex maalin ka hor ciidamada Kenya ay ka geysteen nawaaxiga magaalada Ceelwaaq.

Kummannaan shacab ah oo aad u careysan ayaa isagu soo baxay faras-magaalaha degmada Baardheere, kuwaasoo ku dhawaaqayey Ereyo ay ku diidan yihiin Dilalka iyo Afduubyada joogtada ah ee ay ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.

Dibad baxayaasha oo socod dheer ku soo marey wadooyinka magaalada ayaa markii dambe waxay isugu soo urureen Taalada Degmada Baardheere,waxayna halkaasi ay ku muujiyeen dareenkooda.

Ugu dambeen Dadweynahii ka qeyb galey Dibad baxa ayaa waxaa halkaasi kula Hadley Qaar ka mid ah Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere.

Sidoo kale dibad baxyo midkaan la mid ah ayaa manta waxay ka kala dhaceen inta badan degmooyiinka Gobolka Gedo