Cidamada AMISOM oo dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu gaytay Shabeellada Hoose

13

Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay maanta dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu gaysteen gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa waxa ay dileen ciidamada AMISOM halka mid kalena uu dhaawacmay kadib markii ay rasaas ku fureen.

Qarax ayaa haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen, taas oo keentay in ay si bareer ah dadka shacabka ah ugu fureen rasaas nool nool, dhacdadan ayaana waxa ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Mareeray oo ka tirsan isla gobolkan.

Lama oga khasaaraha soo gaaray dhinaca AMISOM, hase yeeshee qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gaysta Al-Shabaab.