Farmaajo oo sheegay inay jiri karaan Wariyeyaal la Shaqeeya Shabaab

24

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falanqeynta Siyaasadda ayaa wax laga weeydiiyay wadashaqeynta dowladda & Wariyeyaasha oo mararka qaar dhibaato kala kulma dowladda.

Waxaa uu sheegya in dowladda uu hoggaamiyo ay Wariyeyaasha si toos ah ula Shaqeysay,hayeeshee uu sheegay inay jiraan dad u eg Suxufiyiin oo aan khibrad laheyn balse meelo kale xiriir la leh.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay inay jiri karaan dad Wariyeyaal ah oo la Shaqeeya meelo kale sida  Al-Shabaab iyo dowlado Shisheeye, kuwa soo uu sheegay inay ka Shaqeynayaan khalqal gelinta dhanka Amniga.

Waxaa uu soo hadal qaaday Madaxweyne Farmaajo ansixintii Baarlamaanka labada Aqal ee uu Madaxweynaha saxiixay,wuxuuna sheegay in dadaal badan ay dowladda ku bixineyso la Shaqeynta Wariyeyaasha.

Marka laga soo tago hadalka  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxaa jiray Saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay in Wariyeyaal dhowr ah lagu xiray dalka, halka kuwo kale weli xira yihiin.