Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo maanta kulmaya

19

Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku kulmaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Xubnaha guddiga ayaa lagu war-geliyay inay maanta duhurkii soo xaadiraan xarunta.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah wadatashi ay yeeshaan xubnaha guddiga howlaha hor yaalla golaha shacabka, maadaama lagu jiro kulamadii u dambeeyay ee mudo xileedka golaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa mudo xileedkooda ugu dhiman bilo kooban, waxuuna horay guddoonka baarlamaanku u sheegay inay sii shaqeyn doonaan illaa inta laga soo xulayo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kulan wadajir ahaa oo ay shalay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay yeesheen ayaa lagu meel mariyay heshiiskii ay dhawaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ka gaareen hanaan ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.