Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xilliga la horgeynayo Heshiiska doorashada

7

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Beri oo Sabti ah Taariikhduna ku beegan tahay 26 Sep  ay yeeshaan kulan wadajir ah

Guddoonka labada Aqal Aqal shaaciyay in Ajandaha Kulanka Beri uu yahay  u Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21

Guddoonka ayaa farriin u diray labada Aqal, iyaga oo ka dalbaday in kulanka Beri ay kasoo qeyb galan, waxaana sida aan wararka ku helay kulanka goobjoog ka noqon doona Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo heshiiska doorashada oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si cad uga soo horjeeda, balse inta badan Xildhibaannada Aqalka  Sare ay taageersan yihiin heshiiska.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa dadaal badan u galay in la ansixiyo heshiiska doorashooyinka, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto degaanadooda.