Booliska Galmudug oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Khamri iyo gaadiid ay saarnaayeen

21

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta ay gacanta ku soo dhigeen maandoriyaha Khamriga.

Hawlgal ay maanta sameeyeen ciidamada Booliiska degmada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen, gaadiid ay saarnaayeen maandooriyaha Khamriga.

Ciidamada ayaa sheegay in la doonayay in sifo sharci darro ah la doonayay in lagu soo geliyo deegaannada gobollada ay maamusho Galmudug.

Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa waxa ay digniin u direen dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa isticmaala in ay ka waantoobaa,isla markaasina ciddii ay ku arkaan ay horgayn doonaan sharciga .

Deegaannada hoostaga gobollada Mudug iyo  Galgaduud ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanay , maandooriyaha Khamriga ee la soo gelinayo deegaannadaasi.