Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

6

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Dadka degaanka Taabta ayaa waxaa ay ku warameen in weerarka Al-Shabaab uu ahaa mid markii hore ku bilaawday hoobiyeyaal ,hayeeshee markii dambe uu dhacay dagaal toos ah oo labada dhinac uu khasaaro kasoo gaaray.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno degaanka Taabta ayaa waxaa ay sheegayaan in halkii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya, isla markaana ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.