Beesha caalamka oo war ka soo saartay kalsoonada la siiyay R/W Rooble

16

Qaramada Midoobay (UN) iyo beesha caalamka ayaa ku amaanay baarlamaanka federaalka ansixinta ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay.

In ka badan 200 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in raysal wasaaraha lasiiyo codka xasaanada.

Qaramada Midoobay waxay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, u rajeysay guul madaama uu xilka la wareegayo xilli xasaasi ah oo uu dalku isku diyaarinayo doorashooyin qaran.

Waxay sheegtay qaramada midoobay inay taageeradeeda ku bixinayso isku duubnida iyo iskaashiga dowladnimada Soomaaliya.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa muddo kooban gudaheed inuu kusoo magacaabo xukuumad yato leh oo talada kala wareegta xukuumada raysal wasaaarihii hore ee Soomaaliya.