R/W Rooble oo Muqdisho ka bilaabay kulamo looga arinsanayo dhismaha xukuumad cusub

15

R/wasaaraha Cusub ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo gaar gaar ah uu la qaadanaya Guddoonka golaha Shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka jira dalka.

Kulanka ayaa intaasi badan waxaa looga arinsanayay dhismaha golaha wasiirada ee xukuumada Somalia.

Kulanka ay maanta yeesheen R/Wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ahaa mid aan la sii saadaalin, maaddaama guddoomiyaha xisbiga Wadajir uu ka mid yahay dadka aadka u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Saacadaha socda ayaa la filayaa in R/Wasaare Rooble uu kulamo kala duwan la qaato xildhibaanada, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanada golaha shacabka  ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu  Rooble u magacaabay 18-kii bishan September.

Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.