Xildhibaano si kulul uga hadlay dil & dhaawac ay geysteen Ciidanka Kenya

4

Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dhacdo shalay ka dhacday Gobolka Gedo, taas oo aheyd in Ciidamada Kenya ay dileen hal oo Shacab ah Saddex kalena kaxeysteen.

Falkaasi ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Yadoo oo 25k dhanka Waqooyi Bari ka xiga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,waxaana dadka la kaxeystay ilaa iyo hadda la la’yahay halka ay geeyeen Ciidamada Kenya.

Xildhibaan Haashim Nuur Aadan oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkaasi, isaga oo sheegay inarrintaasi ay ka dambeeyeen Ciidamo Kenyan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM,waxaana  Kenya uu ugu baaqay in  looga baahan yahay inay falkaasi jawaab deg deg ah ka bixiso.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Kenya horay dhibaato loogu qabay,isaga oo sheegay in degaannada Jubbaland uusan ka jirin wax maamul ah uuna ku baaqayo in loo dhiso xilli Madaxweynaha Jubbaland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ee ka howlgalla dhanka xaduudka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama soo bixin oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ee ah in hal qof oo Shacab ah ay ku dileen duleedka Ceelwaaq Saddex kalena ay kaxeysteen.