Go’aan hor leh oo lagu deegaameysanayo dhulka reer Falastiin oo ka soo baxay Yahuuda

29

Golaha wasiiradda Israel ayaa go’aamiyay deegaameyn cusub oo laga samaynayo daanta galbeed ee dhulka Falastiin ee Yahuudu xooga ku haysato.

Go’aankaan oo boqolaal guri oo dheeraad ah looga dhisayo daanta galbeed ayaa waxaa saxiixay r/wasaaraha Israel Benyamin Natanyaahu

Wararku waxay sheegayaan in la go’aamiyay 560 guri oo dheeraad ah laga dhiso daanta galbeed Bayta Laxam iyo bariga Qudus halkaasoo la dejin doono Israeliyiin.

Tilaabadaan ay qaadeen wasiiradda Israel ayaa yimid maalmo kadib markii magaalada Washington lagu saxiixay heshiis dhex maray Israel,Baxreyn iyo Imaaraatka