Kenya oo sheegtay in dhalinyaro badan ay ku biireen Al-shabaab

16

Saddex dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya, ayaa u tallaabay dhinaca Soomaaliya kuna biiray Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Nick Ndalana oo ka hadlayay kulanka amniga ku saabsan.

“Aad ayaan uga warqabnaa in seddex dhalinyaro ah oo ka kala yimid deegaanada Fino iyo Lafey ay u gudbeen Soomaaliya kuna biireen Al-Shabaab laakiin waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo qof walba oo halkan jooga inaan xogtiisa la socono,” ayuu yiri Bari Nick Ndalana.

Mr Ndalana ayaa ugu baaqay waalidiinta inay hubiyaan inay si buuxda uga warqabaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, Wuxuu kula dardaarmay waalidiinta seddexda dhalinyarada ah oo uusan magacaabin inay caruurtooda ka codsadaan inay isku soo dhiibaan laamaha amaanka Kenya.