Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qabtay dalka North Macedonia

15

Bayaan ka soo baxay booliska dalka North Macedonia ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamadu sameeyeen labadii ee lasoo dhaafay ay kusoo qabteen 61-qof muhaajiriin ah, kuwaas oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadka lagu qabtay dalkaas waxaa ku jira shan qof oo muqalasiin ah.

30 ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Afganistan iyo Syria, waxaana lagu qabtay magaalada Veles, iyagoo lagu soo qariyey gaari xamuul ah.

Sidoo kale boolisku waxa uu shaaciyey in darawalkii waday gaarigaas uu isku deyey in uu baxsado, balse gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale in ka badan 20-qof oo dadkaas ka mid ah ayaa laga soo dhex qabtay hal guri, kuwaas oo u badan caruur iyo haween u kala dhashay dalalka Bangladesh, Pakistan, iyo Afganistan.

Sida laga soo xigtay warbixinta laamaha ammaanka, muqalasiinta oo dhamaantood rag ayaa u dhashay isla dalka North Macedonian ayaa loo heystaa in muhaajiriintaas oo ka soo laabtay dalka Gariiga ay si sharci darro ku soo geliyeen dalkaas.