Ra’iisul wasaare Rooble oo diray fariintiisii ugu horeysay

62

Ra’iisul wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diray farriintiisii ugu horeysay tan iyo markii dikreetadiisu ay ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo, seddax habeen ka hor.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu fariintan kula hadlay baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada golaha shacabka oo uu weydiistay codkooda kalsoonida.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aqbalay mas’uuliyadda uu u igmaday madaxweyne Farmaajo ee xilka ra’iisul wasaaraha.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in qorshuhu yahay Isniinta berrito in Rooble la hor geeyo xildhibaanada golaha shacabka, si cod loogu qaado. Waxaana saacadihii u dambeeyey Muqdisho ka socday kulamo gaar-gaar ah oo uu ku kasbanayo xildhibaanada, si ay codkooda kalsoonida u siiyaan.