Al-Shabaab oo Sh/Hoose ku soo bandhigay burburka diyaarad Dorne ah

25

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo bandhigay burburka diyaarad nooca wax basaaso ah oo maanta ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan aagga garoonka Ballidoogle oo saldhig militeri ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ee Danab.

Sida ay baahisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab diyaaradan ayaa markii ay dhacday dul heehaabeysay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo u dhaw Ballidoogle, waxayna sheegeen inay iyaga basaaseysay.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ku rakibanyihiin kaamirooyinka wax duuba oo ay iyaga ku basaaseysay, waxayna ku sheegeen warkooda in dowladda Mareykanku ay leedahay.

Waa diyaaradii labaad oo bishan gudaheeda ay burburkeeda soo bandhigeen Al-Shabaab, waxayna sidaan oo kale burburka diyaarad aad u yar ku soo bandhigeen gobolka Jubbada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku soo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.