DF oo war kasoo saartay shaqada garoonka Aadan Cadde kadib shilkii diyaaradda

13

Waxaa saakay dib u bilaawday shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad xamuul ah ay ku dhex bur-burtay waaberigii hore ee shalay.

Diyaaradaas oo ka baxday Muqdisho ayaa ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse waxa ay ka soo laabatay hawada inta aysan gaarin Beledweyne, kadib markii uu duuliyuhu dareemay cilad.

Afar qof oo shaqaale ah ayaa la socotay diyaaradda markii ay dhex burburtay garoonka Aadan Cadde, waxaana laga soo badbaadiyey iyaga oo dhaawac ah, sida uu wasiirka gaadiidka iyo duulista hawda Soomaaliya u sheegay KNN.

Saacado ay hakad gashay shaqada garoonka kadib ayaa dib loo furay, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada.