Madaxda D/goboleedyada oo Muqdisho ka wada kulamo is-daba joog ah

18

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan Muqdisho ayaa ka wada shirar gaar-gaar ah, kadib markii ay dhawaan madaxweynaha Soomaaliya heshiis rasmi ah kala gaareen arrimaha doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sanadkan iyo horaanta sanadka soo socda.

Shirarkan ayey madaxdu la qaadanayaan xildhibaanada baarlamanaka ee laga soo doortay degaanadooda iyo siyaasiyiinta kale ee ku jira xisbiyada siyaasadda.

Madaxda siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kala hadlaya arrimo al xiriira shirkii Muqdisho uga socday maalmihii la soo dhaafay, kaas oo heshiis looga gaaray nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland ayaa kamid ah xubnaha shalay illaa xalay kulamada ugu ka wada magaalada Muqdisho, waxayna wararka qaar sheegayaan in kulamada waxyaabaha looga hadlayo ay qeyb ka tahay arrinta gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.