Wasiir Oomaar oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha diyaarad ku burburtay Aadan Cadde

53

Sii-hayaha wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullai Salaad Oomaar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyey diyaarad xamuul ah oo saakay ku dhacday garoonka Aadanm Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afar qof oo shqaale ah ayuu sheegay inay la socdeen diyaaradda, kuwaas oo seddax kamid ah laga soo badbaadiyey, halka kan kalena uu weli ku dhex jiro diyaaradda, isagoo nool oo si caadi ah u hadlaya, sida uu sheegay wasiir Oomaar.

Sidoo kale wasiir Oomaar ayaa sheegay in dadka laga soo badbaadiyey diyaaradda ay ku yaallaan dhaawacyo fudud, isla markaana dadaal loogu jiro soo badbaadinta qof weli ku dhex jira diyaaradda oo bad-qaba.

Diyaaradan oo saakay ka kacday garoonka Aadan Cadde ayaa daqiiqado kadib ku soo laabatay markii ay ciladowday, waxayna ku dhacday gidaarka hore garoonka, iyadoo burbur xoog leh uu ka soo gaaray qeybaha hore.

Diyaaradda ayaa xamuul u siday magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan, balse ma gaarin oo hawada ayey ka soo kala wareegtay, kadib markii duuliyuhu uu dareemay ciladan.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay hakad gashay shaqadii garoonka.