Diyaarad xamuul ah oo goor dhaw ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

12

Diyaarad xamuul ah ayaa goor dhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa goortii ay dhacday waxay caga-dhiganeysay garoonka Aadan Cadde, balse waxay ku dhacday gidaarka ku wareegsan garoonka.

Afar qof oo shaqaale ah ayaa saarnaa diyaaradda, waxaana laga soo badbaadiyey laba kamid ah, halka mid kalena uu weli ku dhex jiro isaga oo nool caadina u hadlaya.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya in burbur xoog leh uu kasoo gaaray qeybaha hore.

Dhaawacyo fudud ayaa ku yaalla dadka laga soo badbaadiyey diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka soo baalatay hawada, kadib markii ay qabsatay cillad, waxayna ku sii jeeday magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan, oo ay agab u waday.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay hakad gashay shaqadii garoonka, maadaama ay diyaaradii dhacday dhex taallo.