Mahdi Guuleed oo magacaabay guddi cusub oo heer wasiirro ah

13

ii-hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeyn doona qaban qaabada munaasabad uu xilka kula wareegi doono ra’iisul wasaaraha dhawaan la magacaabay.

Guddigan ayaa ka kooban xubno heer wasiirro ah, waxaana ka mid ah sii hayeyaasha wasaaradaha dhalinyarada, gaashaandhigga, qorsheynta, dastuurka, gaadiidka iyo caddaaladda ee xukuumadan xil-gaarsiinta.

Mahdi Guuleed ayaa xubnaha guddigan faray inay fulinta shaqada loo igmaday u guda galaan sida ugu dhaqsaha badan.

17-kii bishan ayaa Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib 54-maalmood oo dalku uu ra’iisul wasaare la’aan ahaa, inkastoo Mahdi Guuleed uu ka soo ahaa ku sime.

Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 25-kii July ku dhawaaqay in baarlamaanku codkii kalsoonida kala noqday Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisaba.

Ra’iisul wasaarahan cusub ayaa lagu wadaa in maalmaha nasoo aadan la hor-geeyo baarlamaanka, si loo siiyo codka kalsoonida, isagoo intaas kadib u jaheysan doona dhisamaha xukuumad cusub.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble waxaa hor-yaalla shaqooyin adag, waxayna magacaabistiisu ku soo aaday xilli kala guur ah oo dalku uu doorasho aadayo, waxaana looga fadhiyaa in uu hir geliyo heshiiskii doorasho ee Villa Somalia lagu kala saxiixday saacado un ka hor inta aan la magacaabin.