Wax-qabadka Taliska Ciidanka Asluubta oo lagu maamusayay Muqdisho

28

Munaasbaad lagu maamusayay wax qabadka taliyaha ciidanka Aluubta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Muqdisho taasi oo ay ka qeyb-galeen sii hayaha wasiirka cadaalada dalka masuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo koofur galbeed.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya sakaariil ka tirsan Ciidamada qalabka sida sida xoogga dalka iyo Booliska

Wasiirka wasaaraadda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  Maxamed  Abuukar Cabdi  iyo Xildhibaan Sandheere Maxamed Iftiin oo ka tirsan golaha shacabka ayaa waxay sheegeen  in waxqabad muuqda uu la yimid Gen.Mahad Cabdiraxmaan

Maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed S\Guud Bashiir  Maxamed Jaamaca  ayaa sheegay  in uu dhameestiray  Gen Mahad howlihii   shaqo ee ciidanka Asluubta  horyaalay.

“Generaal mahad halka sano ee uu joogay shaqo xooggan ayaa ka qabtay howlaha ciidanka Asluubta sida dhinacyada tababarida ciidanka iyo dhismayaasha xarumaha ayuu yiri Generaal Bashiir.

Taliyaha  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan  ayaa sheegay in shaqo waliba la qabtay gacan ay ku siyeen saraakiisha ciidanka asluubta .

“Aad ayaan uga mahadcelinayaan saraakiisha ciidamada ee garab igu siisay inaan masuuliyada sidii loogu talagalay aan uguto la’aanta saraakiishane ma jirin wax ii suura gali karay .ayuu hadalkiisa ku daray taliye Mahad Cabdiraxmaan aadan.

Sii hayaaha Wasiirka Cadaalada Soomaaliya  Abukaate Xasan Xuseen xaaji ayaa sheegay iskaashi weyn kaddib lagu guleestaay in xabsiyo laga dhiso Gobolada dalka waxaana sidoo kale uu bogaadiyay wax qabadka taliska ciidanka asluubta ee uu hogaamiyo taliyaha ciidanka Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.