Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Beledweyne iyo dad loo qab-qabtay

17

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday Bam-gacmeed oo xalay lagu weeraray goob maqaayad ah oo ku taalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Jugta qaraxaan oo laga maqlay inta badan xafadaha magaaladaas, waxaana ku geeriyooday hal qof oo dumar ah, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen seddax qof oo kale.

Kooxihii ka danbeeyey weerarkaas ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana saakay halkaas ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliska ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada magaalada Beledweyne Maxamed Cali Maxamuud ayaa KNN u sheegay in dad u badan dhalinyaro oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarkaas lagu soo qab-qabtay howlgalladaas oo tan iyo xalay qaraxa kadib ka socda xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.