Shirkad Cusub Oo Qaabilsan Daabulidda Shixnadaha Ganacsi Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho

21

Daahfurka shirakadda ganacsiga Djibouti Shipping Company oo maanta markabkii ugu horeeysay oo shirkaas u rarnaa ku soo xirtay dekada Muqdisho, Maxamed Cabdixaliim, wakiilka shirkadda oo ka hadlay munaasabad gudaha dekadda loogu xafladeeyay ayaa sheegay in shirkadooda 14 maalin oo keli ah kaga keeni doonto Turkiga halka shirakadaha kale safarkoodu ahaa ugu yeraan 45 cisho.

Farhat Akkat oo ah maamulaha shirkadda Albeyrak ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan shirkadda cusub ee qaabilsan daabulidda shixnadaha ganacsi, isla markaana si toos ah isugu xireyso Soomaaliya iyo Turkiga.

Sii hayeyaasha Wasiirada ganacsiga, Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta rugta ganacsiga oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay tani bilow cusub u tahay ganacsiga Soomaaliya iyo dalalka kale, maadaama shirkaddii ugu horeysay oo toos alaabaha ganacsiga uga keeneyso maanta suurtagashay.

Sii hayaha Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac, ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso ganacsatadii suurtagelisay shirkaddan dalka ka howlgasho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Wasiiro ka tirsan Xukuumaddii hore, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Djibouti ee Soomaaliya iyo xubno kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay shirkaddan cusub.

Markabka African Sun ayaa labadii bishan ka soo baxay marsada Istanbul, kaas oo u raran shirkadda laga leeyahay Djibouti, taas oo si toos ah alaabaha ganacsiga uga keeni doonta dalka Turkiga, halka markii hore la soo mari jirey meelo kale oo ay kamid tahay dekadda Dubai.