Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Hiiraan

12

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyaad oo ka dhacay Deegaanka Quulaale oo ah  soohdinta ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedka dagaalamay ay yihiin dad xoolo dhaqato oo isku heysta dhul, waxaana jiray dhowr jeer oo hore in lakala dhex galay labada dhinac ee isku hayay dhul daaqsimeedka, balse aan lagu guuleysan, sida uu sheegayo weriyaha KNN ee gobolka Hiiraan.

Inta la ogyahay  dagaalka labo qof ayaa ku geeriyootay, halka 6 kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadkii ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalada ku yaala gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Odayaal ka soo kala jeeda labada gobol ayaa la soo sheegaya in ay ku baxeen daminta dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday deegaanka Quulaale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa horay baaqyo uga soo saaray dagaalo beeleedyo ka dhacay xadka labada gobol ay wadaagaan, waxaana horay u jiray dagaalo ka dhacay deegaano u dhaxeeya Matabaan iyo Guriceel oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deegaanka Quulaale ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay.

Muranada ka dhasha dhulalka la isku heysto ee ka dhasha dagaalada ayaa ku soo badanayay deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka mid yihiin goobaha ugu badan ee dagaal beeleedyada ka dhacaan