Deni oo cadeeyay mowqifkiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub

5

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha  ayaa u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub  Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”

Madaxweyne Deni waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Alle “SWC” u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba.