Axmed Madoobe oo war ka soo saaray magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

18

Madaxweynaha maamulka Jubbadaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa waxa uu ka hadlay magacaabista raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe ayaa ugu horreyn tilmaamay, in uu ku faraxsan yahay magacaabista raysal wasaaraha cusub ee uu dalku yeeshay,isaga oo sidoo kale u hambalyeeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxda dalka iyo shacabkuba in ay la shaqayeeyaan, si looga wada guul gaaro , hadafka fog iyo jhimolada Soomaaliya oo mid ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu rajaynayo in raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu horseedi doono qabsoomidda doorasho ku dhacda jawi deggan iyo nabad gelyo , si taasi ay u hirgashana loo baahan yahay in la garab istaago, si waajibaadkiisa uu u guto.