Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Puntland oo kulan la qaatay xubnaha beesha Caalamka

15

Wasiiro ka tirsan maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay  kulan kula yeesheen  safiiro ka tirsan Beesha Caalamka.

Wasiirada la kulmay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa ka mid ah wasiiru-dawlaha Maaliyadda maamulka  Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo ka mid ah waftiga ay hoggaaminayaan Madaxweyneyaasha Deni iyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee kulanka ku sugnaa ayaa waxaa ka mid ah  Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James Swan, Safiirka Uk Ben Fender, Safiirka Maraykan Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange Martinez,

Labada Wasiiru-dawle waxaa ku weheliyay kulanka  lataliyaha madaxwaynaha iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cisman Seed Celmi

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la sheegay in  lagu falanqeeyay  kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, dib uhabaynta hannaanka Maaliyadda Puntland iyo Jubbaland iyo arimaha siyaasada Soomaaliya ee xiligan taagan, waxaana la tilmaamay in kulanku ku dhammaaday is-fahan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa xubnaha beesha caalamka waxaa ay magaalada Muqdisho kulamo kula qaadanayeen madaxda dowlad goboleedyada, iyagoona kala hadlayay arimaha doorashooyinka iyo arimo kale.