Maamulka degmada Cadale oo war ka soo saaray Macalimiintii la dilay.

25

Guddoomiyaha maamulka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay KNN ayaa ka warbixiyay  dhacdadii saaka lagu dilay  Macaliimiita ee ka dhacday duleedka degmadaasi.

Muuse Ganey oo ah guddoomiyaha degmada Cadale ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas lagu dilay illaa 5 Macallin, xilli ay ku jireen Subac.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan falkaasi arxan darro ah, isagoona tilmaamay inay dhacdadaas salka ku heyso aano Qabiil.

Deegaanka dhibaatadan ay ka dhacay waxaa horey uga dhacay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo ka dhextaagan beelaha kuwada nool gobolka Shabeelada dhexe.

Dilkooda ayaa kusoo beegmay iyadoo muddo dhowr bilood ah laga joogo markii degmada Balcad lagu dilay 8 dhaqaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeelada dhexe.

Macalimiinta la dilay ayaa waxaa  lagu kala magacaabaa:-

1) Sheekh Daahir Xasan Cali
2) Macalim Maxamuud Canbuure
3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli