Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka socda Muqdisho

17

Shirka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa maanta waxaa uu galay maalintii shanaad.

Shirka ayaa la sheegay in xalay uu  dib u billowday, kaasi oo  ay ku biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida ay KNN u sheegeen ilo xog ogaal ah.

Madaxdii shalay isaga baxay shirka ayaa lagu qanciyayay in ay dib ugu soo laabtaan shirka, si loo sii amba qaado qodobada qaar ee la isku fahmi waayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helnay  ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo.

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda,  Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo kan gobolka banaadir  ayaa waxaa looga hadlaya marxaladda kala guurka ah ee xiligan uu dalku marayo, Waxaana mas’uuliyiintu ay si gaar u falanqeynayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, kaasi ay yeelanayaan madaxda dowlad goboleedyada dhexdooda, halka sidoo kale kulamo ay la qaadanayaan xubnaha beesha Caalamka.

Saacadaha soo aadan ayaa qorshuhu uu yahay in madaxda ay warmurtiyeed ka soo saaraan shirka u socda.