DFS oo si kulul uga hadashay Macalimiintii lagu dilay Shabeellada dhexe

14

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si kulul uga hadlay dadka shacab ah oo maanta lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyay dilka Macalimiinta looga geystay deegaan hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe loogu geystay dad Culimo ahaa.

Mr Guuleed ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid lagu xasuuqay dad biri-mageydo ah, isla markaana cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay.

Degaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaa subaxnimadii hore ee saaka koox hubeysan ay ku weerartay 7 wadaad oo meel miyi ah u joogay quraan saar.

5 kamid ah wadaadada ayaa ku dhintay goobta lagu weeraray, halka 2 dhaawac loogu soo qaaday Muqdisho uu mid kamid ah jidka ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen maamulka Raage Ceelle ee falku ka dhacay.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay falkan, waxaana maamulka deegaanka ay sheegeen inay howlgalo dhacdan la xiriirta ay wadaan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.