Biyo la,aan ka taagan deegaanka Geriley ee Gobolka Gedo(Dhageyso)

31

Biyo la,aan aad u daran oo saameysay nolosha dadka iyo Duunyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay deegaanka Geriley ee Gobolka Gedo,una dhaxeysa Xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya,biyo la,aantani ayaa ka dhalatey ka dib markii ay gureen warahii iyo baraagaha dadku ay biyaha ka dhaansan jireen.

Axmed Farataag oo ah Madaxa Arimaha Bulshada deegaanka Geriley oo wareysi siiyey Radio Markableyayaa sheegay biyo la,aantani inay soo jiitameysay ilaa muddo labo todobaad ah,waxuuna sheegay Boqolaal Qoys oo xoolo dhaqatada deegaanka in ay u hayaameen deegaanada xuduuda Kenya iyo Jubbooyinka.

Biyaha hadda laga cabo Geriley ayuu sheegay in ay yahiin kuwo ganacsi ah oo booyado looga keeno dhinaca degmada Wajeer oo geriley u jirta ilaa 120km,halkii fuusto oo biyo ah ayuu sheegay in nlagu kala iibsanayo lacag dhan 15 Dolar .