Shirka Arrimaha doorashooyinka oo maalintii Saddexaad galay

9

Magaalada Muqdisho waxa maalintii Saddexaad ka socda shirka madaxda dowladda federaalka ah, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in maalinta berri lasoo gabagabeeyo sidda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhamaan dhinacyada ayaa si adag waxaa ay uga doodayaan arrimaha doorashada oo ah muhiimada shirka loo qabtay,waxaana maanta la filayaa in si aan caadi aheyn inay mas’uuliyiinta uga hadlaan arrimaha doorashada.

Madaxda ku shirsan Madaxtooyadda ayaa inta badan waxa ay ka doodayaan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb oo wax ka badal lagu sameyn doono.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka ayaa isha ku haya Shirka ka socda Muqdisho halka Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay kor kala socdaan shirka, iyaga oo Madaxda culeys ku saaraya inay heshiis gaaraan.